Taariikh: 5/2/2025 Goobta: Dugsiga Al-Huda 1 Waxaa shalay si rasmi ah loo furay tartanka fasallada 8aad ee Dugsiga Al-Huda 1, munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay, isla markaana ay ka soo qeybgaleen maamulka dugsiga, macallimiinta, ardayda iyo marti sharaf kale. Furitaanka tartanka waxaa khudbado dhiirrigelin leh ka jeediyey maamulka dugsiga, oo carrabka ku adkeeyey muhiimada uu tartanku u leeyahay kor u qaadista xirfadaha waxbarasho, kobcinta maskaxda ardayda, iyo xoojinta isku xirnaanta iyo wada tartan wanaagga ee dhexdooda. Wajiga 1aad ee tartanka, oo ahaa mid xiiso badan, waxa ay guushu raacdey fasalka 8A (wiilasha), kuwaas oo soo bandhigay dadaal dheeraad ah iyo wada shaqeyn sareysa. Guushani waxay ka tarjumeysaa kartida iyo dadaalka ardayda, taas oo dhiirrigelin u noqon doonta fasallada kale si ay tartanka qaab heer sare ah uga qeybqaataan. Maamulka dugsiga ayaa ku bogaadiyey dhammaan ardaydii ka qeybqaadatay tartanka, isaga oo xusay in guushu aysan ahayn oo kaliya mid lagu helo dhibcaha sare balse ay tahay fursad lagu barto kartida qofka iyo awooda wada shaqaynta . waxaa la rajaynayaa in wajiyada xige ee tartanku noqdaan kuwo xiiso badan isla markaana ay ardeydu dadaalkooda sii laban laabaan . Ugu dambeyn, xafladda furitaanka ayaa ku dhammaatay jawi farxad leh. Waxaa la filayaa in tartanka uu sii socdo maalmaha soo socda, iyadoo fasallada kale ay fursad u haystaan in ay tartanka sii wadaan si ay guul uga keenaan. Warbaahinta dugsiga Al-Huda primary 1 Telephone ☎️ 63-6588006 Telephone ☎️ 63-6588037 Telephone ☎️ 63-6588007 Telephone ☎️ 63-8000151
Baryada, baryaaa ka horeeysay, (eraygaas hadaad fahanto eyadoo aan laguu sharaxin, qof feejigan oo maskixiyan u furan baa tahay ? . Baryada ee maanta ku baryayaan, taada ayaa ka horeeysay, bal inee mar ku fahmaan ama kuu soo dabcaan. . . Wax yaabaha qaar marka aad iloowdo, sida dhacdooyinkii foosha xumaa, ee kusoo maray taa micnaheeda ma ahan inee maskaxdaada wax ka qaldanyihiin, ama aad iloowsho badan tahay ee abuurista jirkeena ayaaa ah mid lala fajaco, . Si maskaxdeenu u badbaado wee ogatahay waxyaaabaha halista ah ee soo maray, taas ayaa sababeeyso, ineeysay dib unxasuusan, boholadii, jabadyadii iyo halaqmareenadii ee kasoo badbaaday. . . Hadaad maskaxdaada la tashan laheeed qalbigaagana dhageeysan laheed, damac nafeed kuma hogaamiseen. . .